Gumeystaha Iyo Ahaanshiyaha
GUMAYSTAHA IYO AHAANSHAHA: DHUGASHADA LABA TUSAALE
Waxay ahayd xilli dambe oo habeennimo ah, waxa ii qorshaysnayd in aan sii wado tifatirka buugii aan kaga qalinjabin lahaa jaamacadda oo ay ii muddaysnayd xilliga la iga rabo in aan difaacdo. Waxan kala furay laabtobkii waxanan lasoo baxay buuggii oo qabyo qoraal ii ahaa, balse inta aanan gudagalin sii wadista hawshii tifatirka waxa aan jeclaystay in aan dhagaysto hees uu qaado fannaanka shaacbaxay ee Tedhi afro ee u dhashay dalka itoobiya, heestan oo magaceeda la yidhaahdo Ououtaye. Waxan taabtay xarafka T si falaadha tilmaamtu u dil istaagto Tedy Afro maaddaama xarafka ugu horreeya ee magaciisu uu ka bilaabmo T, kadibna aan daarto heestii aan rabay. Halkii aan ka sugaayay in aan maqlo bilawgii muusikada heesta ayaa waxa aan arkay in taa baddalkeeda uu furmay buug, haddii aan is idhi bal fiiri buuggan aad furtay misena waaba sheeko faneed uu qoray qoraagii ree suudaan ee Dayib saalix. Qoraalkii ugu horreeyay ee aan isha ku dhuftay wuxu noqday halkudhiggii sheeka faneedkan oo la yidhaahdo (Mansi a rare man in his own way/ منسي: انسان نادر على طريقته ( waxa aan damcay in aan akhriyo bogga ugu horreeya ee sheeka faneedkan inta aanan xidhin buuggan, waayo diyaar umaan ahayn in aan akhriyo sheekadan haleel ahaan iyo rabitaan ahaanba. Taas waxa ii dheerayd in aan ka mid ahaa dadyawga aanay xiisa galinin sheeko faneedyadu afka ay doonaanba haku qornaadaane.
Markaliya ayaan ku baraarugay addinkii salaadda subax oo dhagahayga kusoo dhacaaya, waxan is arkay aniga oo dhex dabbaalanaaya mawjadihii nololeed ee uu maray Axmed Mansi oo ahaa qofka ay ka hadlayso sheeko faneedku. Magaciisu wuxu ahaa Axmad Mansi ama Mansi Yuusuf ama Yuusuf Basdaawuuroos ama Maykal Jooseef, haa inta magacba isaga ayaa lahaa. Wuxu dhashay isaga oo masiixi ah, wuxu dhintay isaga oo muslim ah, wuxu qurbaha tagay isaga oo sabool ah, wuxu dhintay isaga oo hodan ah, wuxu noqday xamaal, kalkaaliye, macalin, qoraa, wariye, turjumaan, madadaaliye, bare jaamacadeed iyo ganacde intaba. Wuxu ka tagay tafiir muslim ah iyo kuwo masiixi ah oo midba midka kale aanu ka warqabin in ay jiraan walaalo kale oo ay yihiin uur aabbo. Ka sokow in sheekadani ay tahay mid dhab ah oo uu Dayib Saalix ka qoray saaxiibkii, haddana waxa la yaabka leh ee aan is odhankaro wuxu sobob u ahaa in uu kugu rido dabinka sheeko faneedyada ayaa ahaa sida ashqaraarka leh ee uu qoraagu usoo gudbiyay sheekadan. Dayib Saalix wuxu caan ku noqday sheeka faneedkii ( season of migration to the north /(موسم الهجرة الى الشمال sheekadan dambe waa mid male awaal ah, balse dadka uu kusoo hal qabsanaayo Dayib Saalix ee ku nool tuulada Karmakool ee ay ka dhacayso sheekadani intooda badan waa kuwo xaqiiqo ah.
Labadan sheeko waa kuwo si toos ah iyo si aan toos ahaynba looga dheehan karo isdiidooyinka ahaanshiyaha iyo hirdanka xadaaradaha. Axmed Mansi iyo Mustafe Saciid oo ah labada qof ee labada sheeko kala matalaaya ayaa ah laba qof oo dhex dabaashay hirdanka isdiidooyinka ahaanshiyaha iyo xaddaaradaha. Axmed Mansi wuxu ku koray nolol sabool ah oo ay u dheertahay agoonnimo hooyo la’aan ah, wuxu ka qalin jabiyay jaamacadda Alexandria, kuliyadda luqadaha gaar ahaan Afka ingiriisiga. Sida uu warinaayo Dayib Saalix cidina meesha masoo dhiganin in Axmad Mansi uu gaadhi doono heer uu ka dhammeeyo jaamacadda. Balse lama filaanku intaas uun kuma eekaan, dhawr isku day kadib wuxu ku guulaystay in uu tago dalka boqortooyada ingiriiska isaga oo waxbarashada heerka labaad ka bilaabay jaamacadda liverpool. Axmad Mansi wuxu ahaa qof ay u fududdahay isbiimayntu isla markaana aan ka fikirin waxa ka dhalan kara ficillada uu samaynaayo qaarkood illaa uu ka gaadhay in uu ka qayb galo xaflad ka dhacday aqalka boqortooyada ingiriiska isaga oo aan ka haysan wax martiqaadah, dharkii uu ku tagay xafladda boqortooyada wuxu kasii kiraystay goob dharka lagu kireeyo. Sidaas si lamid ah Mustafe Siciid wuxu ahaa agoon aan aabbo lahayn, waxa soo korisay hooyadii illaa uu masar ka imaanaayay si uu u dhammaysto waxbarashadiisii dugsiga sare kadibna wuxu u baqoolay dhanka boqortooyada ingiriiska illaa uu ka qaatay shahaadada heerka saddexaad ee jaamacadda, gaar ahaan culuumta dhaqaalaha sidaasna uu kaga mid noqday barayaashii jaamacadda.
Axmed iyo Mustafe labadooduba waxay si farashaxannimo ku dheehantahay ugu hadli jireen afka ingiriisiga, waxay ahaayeen laba nin oo aad ugu dheereeya haasaawaha dumarka Marka aad u fiirsato sida ay ugu fududayd in ay hantaan haweenka kolba tii ay hawaystaan, intaa waxa u dheerayd sida aanay marnaba uga warwareegi jirin in ay u sheegaan haweenka ay haasaawinayaan been kasta oo ay isleeyihiin waad ku hanan kartaan. Axmad Mansi wuxu markiiba jaanta la helay gabadh ingiriis ah, waxay ku ballameen in ay is guursadaan balse nasiiib daro gabadhii shil baabuur ayay ku geeriyootay maalma uun ka hor arooskoodii. Dayib Saalix isaga oo sawiraaya sidii uu ugu warramay Mansi waxa uu yidhi “ markii uu ii sheegay Mansi arrinta geerida wuxu sidoo kale ii sheegay inay gabadhaasi ahayd jacaylkiisii ugu horreeyay isla markaana ay noqonayso jacaylkiisii ugu dambeeyay sidaas darteedna uu go’aansaday inta noloshiisa ka dhiman in aanu gabadh kale guursanin si aanay uga lumin xasuusteedii. Balse rrinta layaab ka leh waxay ahayd in Mansi marka uu sidan i lahaa aanay wajigiisa ka muuqanin wax murugo ahi haba yaraatee”.
Dayib saalix isaga sheekada sii wada wuxu intaa ku daray “ muddo yar kadib waxa noo yimid Mansi wuxu noo sheegay in uu guursaday, yaab iyo amakaag ayay nagu noqotay! balse wax yar kadib waxan xaqiiqsannay in gabadha uu guursday ay kasoo jeeddo qoyska Mudane Toomas Moor, qaar way yaqaaneen qofka uu yahay Mudane Toomaas Moor qaarka kalena may aqoon, Mansi wuxu fursad u helay in uu nooga warramo cidda uu yahay Mudane Toomas Moor isaga oo si jees jees ah ugu hadlaaya afka ingiriisiga sidii aan nahay arday ku sugan fasal waxb barasho ayuu yidhi:- Mudane Toomas Moor waa xaaskayga awoogeed, waa wasiirkii koowaad ee boqor Henerigii siddeedaad, waa qoraagii buugga Yuutoobiya, cabdilxayiyoow adigu waxba ka garanmaysid buugga Yuutoobiya, waa ninkii …………… qoyska caynkaas ah ayay xaaskaygu sharafta lihi kasoo jeeddaa”. Axmed Mansi markii dambe wuxu u wareegay dalka sucuudiga oo uu shaqo ka helay, halkaas ayuuna ku guursada gabadh kale oo muslim ah caruurna ay ugu dhashay, intaas uun maahayn ee sidoo kale wuxuu go’aansaday in uu noqdo qof muslim ah sidaasna wuxu kusoo galay diinta islaamka. Balse arrinta layaabka leh ayaa ahayd in xaaskiisii sucuudiga uu kula noolaa aanu u warramin in ay jiraan caruur kale oo uu dhalay, caruurtiisii kale ee xaaskiisii hore ay u dhashayna aanu u warramin iyagana in ay jiraan caruur kale oo walaalahood ah oo sucuudiga ku nool. Dayib Saalix wuxu geerida Mansi ka maqlay wiil uu dhalay Mansi. Markii uu u tacsiyadeeyay kadib wuxu waydiiyay Dayib Saalix wiilkii uu dhalay Axmed Mansi sida loo aasay aabahood, wiilkii wuxu u sheegay in aanan wali la aasin balse aabahood waa Axmad Mansiye uu kula dardaarmay in la gubo maydiisa marka uu dhinto, sidaas darteedna ay fulinayaan dardaarankii aabahood. Mansi wuxu sii mootanyahya ku dhawaad toban maalmood, markii uu Dayib Saalix hadalkaas maqlay ayaa uu u sheegay wiilkii in aabahood uu muslim ahaa sidaa darteen aanay bannaanayn in labo maydka qof muslim ah, wiilkii wuxu u sheegay Dayib Saalix in muslimnimada aabbahood aanay waxba kala soconin. Dayib Saalix wuxu la xidhiidhay xaaskii Mansi ee ku noolayd sucuudiga wuxuna u sheegay in maydka Mansi la gubi rabo sidaa darteed ay ka hawlgasho arrintaasi. Dadaal ay ku garabsiisay wasaaradda arrimaha dibadda ee sucuudiga ayaa midho dhal ka dhigay in la baajiyo fulinta dardaarankii Axmed Mansi sidaana loogu aasay dariiqaddii muslimiinta. Mansi kuma uusan soo laabanin dalkiisii hooyo ee masar ee uu ka tagay bilawgii hore ee nolosha. Waxana lagu duugay magaalada Taatjberi ee ku taalla duleedka magaalada sawthaambtoon ee carriga dalka Ingiriiska.
Dhanka kale Mustafe Saciid noloshiisa iyo qofnimadiisuba waxay ahayd mid aad uga duwan midda Axmed Mansi, balse midda ay ka sinnaayeen ayaa ahayd in badwaynta ay dabbaasheeni ay ahayd hal mid, ugu dambayntiina midna dhigtay badda xeelligeeda midka kalena liqday.
Mustafe Saciid wuxu kala sinnaa Mansi in uu ku koray agoonnimo bilaa aabbe ah oo ay u dheerayd sabool nimo. Waxa kale oo uu kala sinnaa in ay labadooduba u baqooleen dhankaa iyo galbeedka gaar ahaanna carriga Ingiriiska iyaga oo waxbarasho raadis ah. Mustafe Siciid markii uu qaatay shahaadada heerka saddexaad ee jaamacadda wuxu bare ka noqday mid kamid ah jaamacadaha dalka ingiriiska, wuxu ardayda bari jiray cilmiga dhaqaalaha oo ahaa cilmiga uu bartay. Mustafe wuxu ahaa nin caqli badan, maskax furan, balse badwaynta liqday ayaa ahayd badwaynta dumarka. Wuxu noqday qof wehel la noqday balwadda dumarka iyo khamriga. Mustafe Saciid gurigii uu ka degganaa magaalada landhan ma noqon oo kaliya mid martigaliya aqoonyahankii degganaa balse wuxuu sidoo kale noqday mid martigaliyay isdiidooyinka ahaanshiyaha iyo baaxaadeggii uu sobobay oo u horseeday mustafe siciid in uu noqdo mid ku dhacay dabinka galmada iyo sakhradda, illaa uu ka dilay gabadhii uu muddada badan raadcada ugu jiray ee Jiin Mooris, sidaasna loogu xukumay todoba sanno oo xadhig ah. Marka ay noqoto haweenka iyo hawaysigood Mustafe wuxuu ahaa sidii awr dabar la’aan dhacay oo kale. Wuxu ahaa nin aan ka gabban haweenayda uu damco ilaa uu dabinkiisa kusoo rido mooyaane xataa hadday tahay haweenay xaas iyo caruurba leh.
Mustafe markii maxkamadda loo soo taagay dilkii uugaystay dartii wuxu ahaa qof aan dan iyo raad aan toona ka lahayn in uu sii noolaado iyo in dil toogasho lagu xukumo labadaba. Taasi waxay ahayd mid ay dareemeen garsoorayaashii maxkamaddu, Mustafe laftirkiisu intii ay maxkamaddu ku socotay wuxu ahaa mid aad ula yaabban lexejecloda badan ee qareenkiisu ka qabo naftiisa. Markii uu dhammaystay muddadii lagu xukumay oo ahayd todoba sanno oo xadhig ah Mustafe wuxu go’aansaday in uu dib ugu soo laabto waddankiisii hooyo. Intaas uun kuma eekaan balse wuxu dib ugu laabtay meel tuullo beeralay ah oo dul kulaalaysa wabiga niilka, halkaas ayuu beer ka iibsaday, kuna guursaday gabadh tuullada ku nool, laba caruur ahna uu ku dhalay illaa uu ka dhimanaayay.
AF- KA HOOYO IYO NIDAAMKA WAXBARASHO
Gumaystuhu markii uu yimidday dhulka bariga ama dunida ree bariga ah wuxu is tusay in aanu maamuli karin dadkan iyo dhulkan uu yimidday illaa la helo dad haldoor ah oo la fikir ah lana aragti ah. Nidaamka waxbarashu wuxu ahaa habkii ugu fiicnaa uguna fududaa ee horseeday in la helo ama la sameeyo haldoorkii uu u baahnaa gumaystuhu. Haldoorkan ku carbisan nidaamka waxbarasho ee ree galbeedka ee illaa maanta aynaan ku guulaysannin in aan si dhab ah uga xorowno wuxu ahaa mid fursadaha shaqo ee fiican siinaayay haldoorka sida ugu wanaagsan ula falgalay nidaamkooga waxbarasho hadday noqoto mid maamul iyo mid hoggaamineedba. Nidaamka waxbarasho maaha buug iyo qalin la isduldhigay oo kali ah balse waa mid xambaarsan hab-fikir ugaar ah iyo diirado lagu eego aragtiyaha jiraalka insaanka, iyo sidoo kale su’aalaha iyo jawaabaha la xidhiidha ahaansiyaha qofka, jiraalka nolosha, ubuurka aadamaha, dabiicadda, nolosha qoyska, qiimaha aadamaha, guurka, jacaylka, iyo galmada intaba.
Mustafe Saciid iyo Axmed Mansi waxay tusaale u yihiin sida nidaamka waxbarasho ee gumaystuhu dhigay aanu uga samata bixin qofka ree bariga ah isdiiddooyinkii ahaanshiyaha qofeed ee ay sababtay isdiiddooyinka xaddaaradeed ee u dhexeeya ree bariga iyo ree galbeedka. Waayo nidaamka waxbarashadu wuxu kaalin muhiim ah ka qaataa in uu qaabeeyo khariidadda qaab u fikirka qofka. Marka ay isbiirsadaan in qofkii ree bariga ahaa ee xambaarsanaa nidaamkii waxbarasho ee ree galbeedka iyo hiddihii ree bariga uu ku/ka dhashay uu tago dhulkii ree galbeedka waxay taasi horseedday in ay isla falgali kariwaayaan labadii xaddaaradoo ee kuwada dhexnoolaa halka qof. Waa marka ay lama huraanka noqonayso in uu qofku midkood u janjeedhsamo, balse dhibaatadu waxay ka taagantahay qofku marka uu go’aankaas qaadanaayo ma waxa uu qaadanayaa isaga oo ogaalkiisu soo jeedo oo ogsoon kala duwananshiyaha u dhexeeya labada xaddaaradood iyo nidaamyada nololeed ee kala xambaarsanyihiin isla markaana kala xadayn kara xayndaabyada u dhexeeya mise isaga oo aan ogaalkiisu soo jeedin oo aan intaaba midna ogayn? Jawaabta su’aashani waa mid ay sargoynayso hadba qofku inta uu ku hubaysanyahay hab fikir iswaafajin kara baahida aqooneed ee uu u qabo waxbarashada iyo ilaalinta lamahuraanka hiddaha.
Marka uu qofku fikiraayo ama uu wax qoraayo wuxu adeegsadaa waa af ama luqad ha noqoto mid uu bartay ama ha noqoto mid uu u dhashay. Qofku waxa uu wax ku qoraa inta badan luqada ama afka uu isleeyahay sifiican ayaad ugu gudbin kartaa fikradda ama aragtiyaha uu rabo in uu dhiibto. Balse midda aynaan aadka ugu baraarugsanayn ayaa ah in qofku inta uu fikirkiisa iyo falanqayntiisu ay gaadhi karto ay ku xidhantahay hadba inta uu ka yaqaano afka ama luqada uu qofku ku fikiraayo. Marwalba oo qofku hodan ka noqdo afka uu ku fikiraayo waa markasta oo uu sifiican uga fikiri karo afkaarta ama arrimaha uu ka fikiraayo. Midda arrintan ku hoos lammaan ee ay tahay in aan fiiro gaar ah u yeelanno ayaa ah afka ama luqadda uu qofku ku fikirayaayi ma afkiisii hooyaa mise waa mid kale? Inta uu qofku hodan ka yahay afkiisa hooyo in leeg ayuunbuu hodan ka noqon karaa afafka kale. Haddii ay dhacdo taasi liddigeedu waa mid kamid ah dabinnada qofka u horseeda in uu ku dhaco isdiidooyinka ahaanshiyaha.
Arrimaha u suurta galiyay in gumaystuhu ummadihii uu gumaystay uu si fudud ugu gudbiyo aragtiyihiisii una saameeyay haldoorkii talada qabtay dabadii waxa kow ka ahayd nidaamkii waxbarasho iyo afkii wax lagu baranaayay ee wada socday oo inta badan ahaa afkii gumaystaha.
Waa sobobta ardayba ardayga uu kaga fiicna afka gumaystaha uu u helaayay fursadda waxbarasho. Tallaabadani waxay ahayd xeelad gumaystuhu ku wiiqay ahaanshiyihii bulshooyinka la gumaystay ay lahaayeen maaddaama afku uu yahay tiir kamid ah tiirasha ahaanshiyaha. Waa dabin ay tahay in laga digtoonaado fiiro gaar ahna loo yeesho
GALMADA
Galmadu waa baahi jidheed iyo rabitaan lama huraan u ah taranka noolaha oo ku lammaan jiraalka noolaha oo dhan hadday tahay aadamaha iyo hadday tahay xayawaankaba. Taasi waa mid aadamuhu uu isla waafaqsan yahay oo aanay ka taagnayn wax dood ahi. Balse doodda ugu wayni waxa ay ka taagantahay ayaa ah sida loo maaraynaayo iyo dariiqa loo maraayo. Xaddaaradaha adduunka ka jiraa waxay isku waafaqsanyihiin in dariiqa ugu habboon ee loo marayaayi ay tahay guurka oo kali ah. Isbaddaladii isa soo taraayay ee ku dhacaayay xaddaarada ree galbeedku waxay horseedday in qofku marka uu qaangaadho uu yahay qof xor ah isla markaana samayn kara wax walba oo naftiisu jeceshahay marba haddii aanu qof kale dhibaato gaadhsiinaynin. Aragtida tani waxay ka dhigtay ugu dambayntii qofkii ree galbeedka ahaa in uu noqdo sidii awr dabar la’aan dhacay oo kale. Xayndaabkii diinta ee kaniisaddu jaangoynaysay ayaa laga adkaaday, halkii diinta waxa lagu baddalay sharci uu dajinaayo baarlamaanku. Ree galbeedku iyaga oo ku hubaysan aragtidan ayaa waxay gumaysteen dunida inteeda kale gaar ahaanna ree bariga. Gumaysigu ma ahayn in ninkii caddaa ee ree yurub uu ka xoog batay ninkii madoobaa ee afrikaanka ahaa ama ninkii aasiyaanka ahaa, balse waxay ahayd xaddaarad ka xoog badatay xaddaaradihii kale sidaa darteed doonaysa in ay ku fuliyaan aragtiyihii ay qabeen iyo qaab nololeedkii ka dhashayba in ku fuliyaan dadyawgii ay gumaysanayeen iyaga oo dareensiinaaya sida ay uga horumarsanyihiin iyaguna ay u dib dhacsanyihiiin. Sidaa darteed si ay u noqdaan kuwo horumaray ay lama huraan tahya in ay qaataan aragtiyahooga.
Mustafe Saciid wuxu ahaa qof kamid ah xaddaradihii lagumaystay isla markaana duruufihii jiray ay badhtanka u dhigeen badhtamihii xaddaaradda iyo caasmiddii gumaystaha laftirkiisa. Gurigii uu ku noolaa Mustafe Saciid inkasta oo uu ku yaallay landhan haddana gudaha aqalku waxay ahayd qayb kamid ah afrika ama dalkii suudaan ee uu ka yimidday marka aad eegto agabka ku sharaxnaa gurigu. Haweenkii guriga Mustafe soo galay waxay ka baxeen iyaga oo qayb kamid ah afrika ama dunida ree bariga ah ay jidhkooda saamaysay. Labada bawdyo ee dhexdooda uu ku dhacay Mustafe ma ahayn oo kaliya qaybkamid ah jidhka haweenka balse waxay ahaayeen laba xaddaaradood iyo laba ahaanshiyo oo ku dhex hirdamaaya hal qof dhexdiisa. Haweenka Mustafe la dhacsanaa ma ahayn oo kaliya kuwo la dhacsan ninka carabka ah ee xoogga cufan leh haddana aan lahayn timihii jilicsanaa ee carabta lagu yaqaannay, balse waxay ahaayeen xaddaaradii gumaystaha ee la dhacsanaa xoogga iyo kartida shaqo ee ay leeyihiin dadka afrikaanka ah ee loo adeegsado dhismaha jidadka tareennada ee la dhigay dhulka saxaaraha ah ee aadka u ballaadhan islamarkaana kulalylaha ah. jidadkan wuxu gumaystuhu u dhistay in uu marna ku daadgureeyo ciidamadiisa, marna ugu daadgureeyo raashinka iyo rasaasta si ay ugu fududaato isku socodka dhulka baaxadda ballaadhan leh ee uu gumaysto. Balse gumaystuhu wuxu u sheegaayay dadkii uu gumaysanaayay ee uu Mustafe Saciid kamidka ahaa in dhismaha waddooyinkan uu dhisayaayi ay yihiin horumar uu u hibeeyay iyaga.
Mustafe wuxu u eekaa nin go’aan ku gaadhay in uu kaga aargoosto gumaystaha raganimadii uu lahaa, sida gumaystuhu u mushaaxay dhulka baaxadda leh ee waddankiisii iyo qaaraddiisii ayuu Mustafena u mushaaxay haweenkii gumaystaha isaga oo jooga dhulkii gumaystaha.
Dayib Saalix isaga oo sawiraaya dhoolla tuskii Axmad Mansi markii uu uga warramaayay cidda ay tahay xaaskiisa cusub ee uu soo guursaday oo kasoo jeedday qoyskii Toomas Moor oo ahaa siyaasi iyo qoraa shaacbaxay ayaa wuxu yidhi “ Mansi marka uu ka warramaayo arrimahan wuxu u eekaa mid ku jira xaaladdii ugu fiicnayd, wuxu soo bandhigay sida farxshaxannimada leh ee uu ugu hadlo afka inigiriisiga isla markaana uu u yaqaano taariikhda Ingiriiska, tani waxay fursad u siisay in uu muujiyo sida uu u noqday qayb kamid ah taariikhda Ingiriiska”.
Axmed Mansi wuu la dhacsanaa sida uu uga mid noqdya taariikhda Ingiriiska balse mustafe saciid lama uun dhacsanayn in uu noqdo qayb kamid ah taariikhda Ingiriiska oo ah cidda ay is hayeen. Soo laabashadii Mustafe ma ahayn oo kaliya soo laabashadii qof safary u baqoolay oo haddana soo guryo noqday balse waxay ahayd xaddaaradii iyo ahaanshiyihii oo soo guryo noqday. Wuxu ahaa qof lumay oo dib isku helay, wuxu ahaa qof u harraadanaa in uu dib u helo ahaanshiyiisii qofeed iyo qaaradeedba. Waa sobobta uu u doortay in meesha ay tahay in uu ku noqdaayi ay noqoto tuulladii beeralayda ahayd ee jiinka wabiga saarnayd. Waa sobobta uu u doortay in uu u noqdo beeralay waayo timirta beerta ku taalli maaha mid hadda la beeray ee mid qarniyo ka hor la beeray oo muujinaysa sida xididkeeda hoose u haysto dhulka. Waa xididka ka lumay Mustafe ee uu rabay in uu dib u qabsado kuna waaro haddii uu karaayo sida wabiga waara ee niilka oo kale.
Walaw kala duwanaanshaha u dhexeeyay Axmad iyo Mustafe uu ahaa in ay kala ahaayeen laba qof oo midna sheekadiisu dhabtahay midna ay mala awaal tahay, haddana midda ay wadaagayeen ayaa ahayd sida midna uu u milmay midna uu u diiday in uu milmo. Doodda milanka xaddaaradahu waa midda uu gumaystuhu u socday walina uu wado halka doodda diidmada milanka xaddaaraduhu ay tahay midda uu Mustafe diiday walina diidmadeedu socoto. Labada bawdyo ee dumarku waxay lamid yihiin labada gabi ee wabiga niilka. Labada bawdyo dhaxdooda waa lagu qarqoomaa sida labada gabi ee wabiga loogu qarqoomo. Labada gabi waa labada xaddaaradood iyo ahaaniyaha ay xambaarsanyihiin. Halka biyaha wabigu uu ka yahay xaddaaraddiii, waayo isbedelka xaddaaraduhu waa mid si joogto ah u socda oo aan meel kaliya aan istaagin. Xaddaaraduhu waxay u itaal darreeyaan sida wabigu mararka qaar uu u biyo yareeyo oo kale, waxayna u fatahaan marka ay xoogaystaan sida biyaha wabigu ay u fatahaan oo kale. Fatahaadaha xaddaaraduhu waa kuwo horseeda in ay liqaan xaddaaradaha ay ka awood bataan. Waa arrin u baahan in aan ka gaashaamanno inta aynaan badhtanka u galin wabiga biyaha sida ee aynaan odhan: na badbaadiya!! Na badbaadiya!!
