Gumeystaha Iyo Ahaanshiyaha
GUMAYSTAHA IYO AHAANSHAHA: DHUGASHADA LABA TUSAALE Waxay ahayd xilli dambe oo habeennimo ah, waxa ii qorshaysnayd in aan sii wado tifatirka buugii aan kaga qalinjabin lahaa jaamacadda oo ay ii muddaysnayd xilliga la iga rabo in aan difaacdo. Waxan kala furay laabtobkii waxanan lasoo baxay buuggii oo qabyo qoraal ii ahaa, balse inta aanan gudagalin sii wadista hawshii tifatirka waxa aan jeclaystay in aan dhagaysto hees uu qaado fannaanka shaacbaxay ee Tedhi afro ee u dhashay dalka itoobiya, heestan oo magaceeda la yidhaahdo Ououtaye. Waxan taabtay xarafka T si falaadha tilmaamtu u dil istaagto Tedy Afro maaddaama xarafka ugu horreeya ee magaciisu uu ka bilaabmo T, kadibna aan daarto heestii aan rabay. Halkii aan ka sugaayay in aan maqlo bilawgii muusikada heesta ayaa waxa aan arkay in taa baddalkeeda uu furmay buug, haddii aan is idhi bal fiiri buuggan aad furtay misena waaba sheeko faneed uu qoray qoraagii ree suudaan ee Dayib saalix. Qoraalkii ugu horreeyay ee aan isha ku dhuftay wuxu noqday halkudhiggii sheeka faneedkan oo la yidhaahdo (Mansi a rare man in his own way/ منسي: انسان نادر على طريقته ( waxa aan damcay in aan akhriyo bogga ugu horreeya ee sheeka faneedkan inta aanan xidhin buuggan, waayo diyaar umaan ahayn in aan akhriyo sheekadan haleel ahaan iyo rabitaan ahaanba. Taas waxa ii dheerayd in aan ka mid ahaa dadyawga aanay xiisa galinin sheeko faneedyadu afka ay doonaanba haku qornaadaane. Markaliya ayaan ku baraarugay addinkii salaadda subax oo dhagahayga kusoo dhacaaya, waxan is arkay aniga oo dhex dabbaalanaaya mawjadihii nololeed ee uu maray Axmed Mansi oo ahaa qofka ay ka hadlayso sheeko faneedku. Magaciisu wuxu ahaa Axmad Mansi ama Mansi Yuusuf ama Yuusuf Basdaawuuroos ama Maykal Jooseef, haa inta magacba isaga ayaa lahaa. Wuxu dhashay isaga oo masiixi ah, wuxu dhintay isaga oo muslim ah, wuxu qurbaha tagay isaga oo sabool ah, wuxu dhintay isaga oo hodan ah, wuxu noqday xamaal, kalkaaliye, macalin, qoraa, wariye, turjumaan, madadaaliye, bare jaamacadeed iyo ganacde intaba. Wuxu ka tagay tafiir muslim ah iyo kuwo masiixi ah oo midba midka kale aanu ka warqabin in ay jiraan walaalo kale oo ay yihiin uur aabbo. Ka sokow in sheekadani ay tahay mid dhab ah oo uu Dayib Saalix ka qoray saaxiibkii, haddana waxa la yaabka leh ee aan is odhankaro wuxu sobob u ahaa in uu kugu rido dabinka sheeko faneedyada ayaa ahaa sida ashqaraarka leh ee uu qoraagu usoo gudbiyay sheekadan. Dayib Saalix wuxu caan ku noqday sheeka faneedkii ( season of migration to the north /(موسم الهجرة الى الشمال sheekadan dambe waa mid male awaal ah, balse dadka uu kusoo hal qabsanaayo Dayib Saalix ee ku nool tuulada Karmakool ee ay ka dhacayso sheekadani intooda badan waa kuwo xaqiiqo ah. Labadan sheeko waa kuwo si toos ah iyo si aan toos ahaynba looga dheehan karo isdiidooyinka ahaanshiyaha iyo hirdanka xadaaradaha. Axmed Mansi iyo Mustafe Saciid oo ah labada qof ee labada sheeko kala matalaaya ayaa ah laba qof oo dhex dabaashay hirdanka isdiidooyinka ahaanshiyaha iyo xaddaaradaha. Axmed Mansi wuxu ku koray nolol sabool ah oo ay u dheertahay agoonnimo hooyo la’aan ah, wuxu ka qalin jabiyay jaamacadda Alexandria, kuliyadda luqadaha gaar ahaan Afka ingiriisiga. Sida uu warinaayo Dayib Saalix cidina meesha masoo dhiganin in Axmad Mansi uu gaadhi doono heer uu ka dhammeeyo jaamacadda. Balse lama filaanku intaas uun kuma eekaan, dhawr isku day kadib wuxu ku guulaystay in uu tago dalka boqortooyada ingiriiska isaga oo waxbarashada heerka labaad ka bilaabay jaamacadda liverpool. Axmad Mansi wuxu ahaa qof ay u fududdahay isbiimayntu isla markaana aan ka fikirin waxa ka dhalan kara ficillada uu samaynaayo qaarkood illaa uu ka gaadhay in uu ka qayb galo xaflad ka dhacday aqalka boqortooyada ingiriiska isaga oo aan ka haysan wax martiqaadah, dharkii uu ku tagay xafladda boqortooyada wuxu kasii kiraystay goob dharka lagu kireeyo. Sidaas si lamid ah Mustafe Siciid wuxu ahaa agoon aan aabbo lahayn, waxa soo korisay hooyadii illaa uu masar ka imaanaayay si uu u dhammaysto waxbarashadiisii dugsiga sare kadibna wuxu u baqoolay dhanka boqortooyada ingiriiska illaa uu ka qaatay shahaadada heerka saddexaad ee jaamacadda, gaar ahaan culuumta dhaqaalaha sidaasna uu kaga mid noqday barayaashii jaamacadda. Axmed iyo Mustafe labadooduba waxay si farashaxannimo ku dheehantahay ugu hadli jireen afka ingiriisiga, waxay ahaayeen laba nin oo aad ugu dheereeya haasaawaha dumarka Marka aad u fiirsato sida ay ugu fududayd in ay hantaan haweenka kolba tii ay hawaystaan, intaa waxa u dheerayd sida aanay marnaba uga warwareegi jirin in ay u sheegaan haweenka ay haasaawinayaan been kasta oo ay isleeyihiin waad ku hanan kartaan. Axmad Mansi wuxu markiiba jaanta la helay gabadh ingiriis ah, waxay ku ballameen in ay is guursadaan balse nasiiib daro gabadhii shil baabuur ayay ku geeriyootay maalma uun ka hor arooskoodii. Dayib Saalix isaga oo sawiraaya sidii uu ugu warramay Mansi waxa uu yidhi “ markii uu ii sheegay Mansi arrinta geerida wuxu sidoo kale ii sheegay inay gabadhaasi ahayd jacaylkiisii ugu horreeyay isla markaana ay noqonayso jacaylkiisii ugu dambeeyay sidaas darteedna uu go’aansaday inta noloshiisa ka dhiman in aanu gabadh kale guursanin si aanay uga lumin xasuusteedii. Balse rrinta layaab ka leh waxay ahayd in Mansi marka uu sidan i lahaa aanay wajigiisa ka muuqanin wax murugo ahi haba yaraatee”. Dayib saalix isaga sheekada sii wada wuxu intaa ku daray “ muddo yar kadib waxa noo yimid Mansi wuxu noo sheegay in uu guursaday, yaab iyo amakaag ayay nagu noqotay! balse wax yar kadib waxan xaqiiqsannay in gabadha uu guursday ay kasoo jeeddo qoyska Mudane Toomas Moor, qaar way yaqaaneen qofka uu yahay Mudane Toomaas Moor qaarka kalena may aqoon, Mansi wuxu fursad u helay in uu nooga warramo cidda uu yahay Mudane Toomas Moor isaga oo si jees jees ah ugu hadlaaya afka ingiriisiga sidii aan nahay arday ku sugan fasal waxb barasho ayuu yidhi:- Mudane Toomas Moor waa xaaskayga awoogeed, waa wasiirkii koowaad ee boqor Henerigii siddeedaad, waa qoraagii buugga Yuutoobiya, cabdilxayiyoow adigu waxba ka garanmaysid buugga Yuutoobiya, waa ninkii …………… qoyska caynkaas ah ayay xaaskaygu sharafta lihi kasoo jeeddaa”. Axmed Mansi markii dambe wuxu u wareegay dalka