Xabaashii Dadka Nool

  Hordhac Buuggani waxa uu ka mid yahay buuggag dhowr ah oo muddooyinkii u danbeeyay lagu soo bandhigayay degaanka, kuwaas oo ku saabsanaa guud ahaan xaaladihii adkaa ee ka jiray dalka Itoobiya, intii ay TPLF arriminaysay, gaar ahaanna Degaanka Soomaalida intii ay talada haysay xukuumaddii hore. Waxaa qoray wiil dhallinyaro ah oo Degaanka u dhashay, oo la yidhaado Cabdiwali Maxammed Cumer, oo ka mid ahaa maxaabiistii ku jirtay jeelkii dhexe ama sida Soomaalidu u taqaanno Jeel Ogaadeen, kaas oo ahaa jeelkii ugu horreeyay ee noociisa ahaa ee degaanka laga dhiso, lana dhisay 1996 xilligaas oo uu talada Degaanka hayay Khadar Macallin Cali. Buuggu si guud waxa uu ka warramayaa burburkii, baaba’ii iyo balaayadii ka socotay Degaanka; si gaar ahna waxa uu uga warbixinayaa noloshii qadhaadhayd ee xabsiga taallay, sidii loo la dhaqmi jiray maxaabiista, naxariisdarradii askarta iyo xaqsoor la’aanta garsoorayaashii maxkamadaha joogay. Waxa uu buuggu u qoran yahay hab xusuus qor ah, saddex cutub oo waawayn iyo 202 baal ayaa uuna ka kooban yahay, waxaana daabacday madbacadda Hiilpress, 2021-kii. Gudagal Qaybta Koowaad: Aasaaskii iyo Dumitaankii Dawlad Degaanka Soomaalida Haddii aynnu gudagalno buugga, qaybta koowaad, qoraagu waxa uu kaga hadlayaa aasaaskii iyo dumitaankii dawladnimada Degaanka Soomaalida. Waxa uu marka hore yara faahfaahinayaa habraaca suubban ee dawliga ah iyo muhiimadda madaxdu bulshada u leedahay, halkanse kuma soo qaadanayno qoraalka oo innagu dheeraanaya awgeed, ka dibna waxa uu dhexgalayaa dumitaankii dawladnimada. Nidaamkii Cabdi Iley ayaa uu soo qaadanayaa, dhowr marxaladood ayaa uuna u qaybinayaa. 1. Marxaladdii isballaadhinta: waa xilligii uu Ina Iley dadaalka ugu jiray sidii uu degaanka oo dhan gacanta ugu dhigi lahaa, guntigana dhiisha isaga dhigayay si uu isaga qabto cid kasta oo uu u arko in ay mustaqbalka xukunkiisa halis ku tahay; waxaana ugu horraysay uguna tun waynayd cidaha uu la dagaallansanaa ee uu hadh iyo habeenba ka fadhiyi la’aa jabhaddii gobonnimadoonka ahayd ee ONLF. Si kasta oo uu u tirtiri karo ayaa uu isku dayayay, geed gaaban iyo mid dheerna waa uu u fuulayay si uu uga guulaysto oo uu meel u saaro. Waa xilligii la xoojiyay Ciidanka Booliska Gaarka ah, waxaa sidoo kale aad loo la dagaallansanaa oo xabsiyada lagu guray, badhna la laynayay cidkasta oo ay Jabhaddu taageero ka helaysay oo gudaha ah, taageerayaashii dibadda jirayna farsamooyin kale ayaa loo adeegsaday oo lagu joojiyay, sida hanjabaad loogu hanjabayay in ehelladooda la dhibaataynayo, iwm. 2. Marxaladdii isqurxinta: waa markii uu iskudayayay in uu isu qurxiyo bulshada, si loogu maleeyo nebi Eebbe u soosaaray oo kale. Marxaladdan waxa uu aad u adeegsan jiray Televesion-nada iyo Idaacadaha. Waxaa Tv-ga Degaanka ee ESTV (SRTV)  had iyo goor laga sii dayn jiray horumar ballaadhan oo qurux badan, beero wada bislaaday, durdurro biyo ah, waddooyin laami ah oo xadhigga laga jarayo, xarumo caafimaad, iskuullo cusub, jaamacado iyo boqollaal kale oo aan halkan lagu koobi karin, laakiin aan waxba ka jirin, oo la leeyahay nidaam xisbi ayaa ay ku yimaaddeen. Dadyowga degaanka ka maqani run ayaa ay u qaadan jireen, aadna waa ay ugu riyaaqi jireen. 3. Marxaladdii dumitaanka iyo kalahaadka: sida qoraagu xusayo, marxaladdan waxa uu maamulkii Cabdi xilka ka fadhiisiyay cid kasta oo uu aqoon iyo garasho ku tuhmayay, iyo cid kasta oo uu dareen ka qabay in ay hadhow falalkiisan foosha xun horistaagi doonta, waxa uuna meeshii isugu reebay waxmagaratadii iyo intii musuqa iyo dhaca xoolaha ummadda uun ku noolayd. Deedna waxaa dumay nidaamkii dawliga ahaa. Meelaha uu qoraagu farta ku fiiqayo qaybtan ee uu sheegayo in ay aad u doorsoomeen, talana ku bixinayo in dib-u-habayn lagu sameeyo waxaa ka mid ah, laamihii ammaanka iyo garsoorkii, oo iyagu dhiigmiirato noqday.  Qaybta Labaad: Noloshii Xabsiga Qaybtan waxa uu qoraagu ka sheekaynayaa xabsiga, sidii uu ku galay iyo wixii uu kala kulmay. Marka hore waxa uu yara taabanayaa si guud dhibaatada xadhiggu leeyahay, iyo macaanka xorriyadda iyo in uuna xabsigu if iyo aakhiro midna ahayn ee uu yahay meel labadaas dhexdood ah oo cadaab ah. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa gabayo jeelasha laga tiriyay,  sida kii abwaan Qammaan Bulxan—AHUN—uu  tiriyay markii uu Herar ku xidhnaa,ee lahaa: “Eebboow ma soo kala dhacaan  labada dhaamoodee,Dhan uun noo rid aakhiro jannaan dhagagsan doonaaye.” Ka dib waxa uu u dhaadhacayaa sababtii loo xidhay, oo ahayd in lagu qabsaday qoraallo iyo gabayo uu ku baahin jiray bartiisa Faysbuugga, kuwaas oo badankoodu ahaa kuwa maldahan oo dhammaantood uu ku diiddanaa nidaamkii jiray, sida heesta ay qaaddo Khadra Daahir Cige ee: “Cudurka kaa gala fardaha; Haddii laga gubo dameer;Dawada lama gaadhayee..” Waxa uu xusayaa in laga soo xidhay degmada Gallaaddi oo uu xirfadle caafimaad ka ahaa, ka dibna maxkmadda gobolka Doollo la sii mariyay, dhowr cisho markii la celceliyayna toban sano oo xadhig ah lagu xukumay, isaga oo aan wax cad oo lagu xukumay lahaynin, sidaasna inta gaadhi xammuul ah loo saaray isaga iyo maxaabiis kale Jeel Ogaadeen lagu geeyay. Intaa ka dib qoraagu waxa uu innoo sawirayaa muuqaalka guud ee xabsiga iyo sida uu u yaallo, sida loogu wada dhaqmo iyo xidhiidhka askarta iyo maxaabiista ka dhexeeya. Sidoo kale, waxa uu qaybtan innagu tusayaa nolol ahaan sida ay maxaabiistu jeelku ugu jiraan, sida caafimaadka, cuntada, suuliyada, iwm., halkanse kuma soo qaadan karno oo buugga ayaad ugu tagi doontaan. Arrimaha muhiimka ah ee uu qoraagu qaybtan ku soo qaatay waxaa ka mid ah noocyada ciqaabta sida yuuqitaan, caqabad, jiif iyo joog, suuli, bullaacadwadaha, haan biyo ah, figayn, garaac, hurdola’aan, biyamuquurin, iyo bacayn; oo uu midkasta iyo sida uu yahay sharraxaad kaa siinayo iyo waliba waxa laga la kulmi karo ee dhanka caafimaadka ah. Labo ka mid ah haddii aan soo qaadanno, yuuqitaan iyo caqabad, waa uwan hoose: Yuuqitaan: waa hab ka mid ah hababka maxbuuska loo ciqaabo, oo ah inta kabaha laga bixiyo in la istaajiyo meel sibidh ah oo qabow wajigana gidaarka loo saaro labada gacmoodna “kor u hay ama xagga danbe mari la dhaho.” Waxa laga yaabaa caafimaad ahaan in lugta uu sibidhka qabow ku hayo dareenbeesho—marka uu wakhti badan sidaa ahaado. Waxaa kale oo dhici karta marka uu lulmoodo in uu gidaarka madaxa ku dhufto oo dakharro soo gaadhaan. Caqabadda: waxa ay ahayd guryo yaryar

Gumeystaha Iyo Ahaanshiyaha

  GUMAYSTAHA IYO AHAANSHAHA: DHUGASHADA LABA TUSAALE Waxay ahayd xilli dambe oo habeennimo ah, waxa ii qorshaysnayd in aan sii wado tifatirka buugii aan kaga qalinjabin lahaa jaamacadda oo ay ii muddaysnayd xilliga la iga rabo in aan difaacdo. Waxan kala furay laabtobkii waxanan lasoo baxay buuggii oo qabyo qoraal ii ahaa, balse inta aanan gudagalin sii wadista hawshii tifatirka waxa aan jeclaystay in aan dhagaysto hees uu qaado fannaanka shaacbaxay ee Tedhi afro ee u dhashay dalka itoobiya, heestan oo magaceeda la yidhaahdo Ououtaye. Waxan taabtay xarafka T si falaadha tilmaamtu u dil istaagto Tedy Afro maaddaama xarafka ugu horreeya ee magaciisu uu ka bilaabmo T, kadibna aan daarto heestii aan rabay. Halkii aan ka sugaayay in aan maqlo bilawgii muusikada heesta ayaa waxa aan arkay in taa baddalkeeda uu furmay buug, haddii aan is idhi bal fiiri buuggan aad furtay misena waaba sheeko faneed uu qoray qoraagii ree suudaan ee Dayib saalix. Qoraalkii ugu horreeyay ee aan isha ku dhuftay wuxu noqday halkudhiggii sheeka faneedkan oo la yidhaahdo (Mansi a rare man in his own way/ منسي: انسان نادر على طريقته ( waxa aan damcay in aan akhriyo bogga ugu horreeya ee sheeka faneedkan inta aanan xidhin buuggan, waayo diyaar umaan ahayn in aan akhriyo sheekadan haleel ahaan iyo rabitaan ahaanba. Taas waxa ii dheerayd in aan ka mid ahaa dadyawga aanay xiisa galinin sheeko faneedyadu afka ay doonaanba haku qornaadaane.  Markaliya ayaan ku baraarugay addinkii salaadda subax oo dhagahayga kusoo dhacaaya, waxan is arkay aniga oo dhex dabbaalanaaya mawjadihii nololeed ee uu maray Axmed Mansi oo ahaa qofka ay ka hadlayso sheeko faneedku. Magaciisu wuxu ahaa Axmad Mansi ama Mansi Yuusuf ama Yuusuf Basdaawuuroos ama Maykal Jooseef, haa inta magacba isaga ayaa lahaa. Wuxu dhashay isaga oo masiixi ah, wuxu dhintay isaga oo muslim ah, wuxu qurbaha tagay isaga oo sabool ah, wuxu dhintay isaga oo hodan ah, wuxu noqday xamaal, kalkaaliye, macalin, qoraa, wariye, turjumaan, madadaaliye,  bare  jaamacadeed iyo ganacde intaba. Wuxu ka tagay tafiir muslim ah iyo kuwo masiixi ah oo midba midka kale aanu ka warqabin in ay jiraan walaalo kale oo ay yihiin uur aabbo. Ka sokow in sheekadani ay tahay mid dhab ah oo uu Dayib Saalix ka qoray saaxiibkii, haddana waxa la yaabka leh ee aan is odhankaro wuxu sobob u ahaa in uu kugu rido dabinka sheeko faneedyada ayaa ahaa sida ashqaraarka leh ee uu qoraagu usoo gudbiyay sheekadan. Dayib Saalix wuxu caan ku noqday sheeka faneedkii ( season of migration to the north /(موسم الهجرة الى الشمال sheekadan dambe waa mid male awaal ah, balse dadka uu kusoo hal qabsanaayo  Dayib Saalix ee ku nool tuulada Karmakool ee ay ka dhacayso sheekadani intooda badan waa kuwo xaqiiqo ah.  Labadan sheeko waa kuwo si toos ah iyo si aan toos ahaynba looga dheehan karo  isdiidooyinka ahaanshiyaha iyo  hirdanka xadaaradaha. Axmed Mansi iyo Mustafe Saciid oo ah labada qof ee labada sheeko kala matalaaya ayaa ah laba qof oo dhex dabaashay hirdanka isdiidooyinka ahaanshiyaha iyo xaddaaradaha. Axmed Mansi wuxu ku koray nolol sabool ah oo ay u dheertahay agoonnimo hooyo la’aan ah, wuxu ka qalin jabiyay jaamacadda Alexandria, kuliyadda luqadaha gaar ahaan Afka ingiriisiga. Sida uu warinaayo Dayib Saalix cidina meesha masoo dhiganin in Axmad Mansi uu gaadhi doono heer uu ka dhammeeyo jaamacadda. Balse lama filaanku intaas uun kuma eekaan, dhawr isku day kadib wuxu ku guulaystay in uu tago dalka boqortooyada ingiriiska isaga oo waxbarashada heerka labaad ka bilaabay jaamacadda liverpool. Axmad Mansi wuxu ahaa qof ay u fududdahay isbiimayntu isla markaana aan ka fikirin waxa ka dhalan kara ficillada uu samaynaayo qaarkood illaa uu ka gaadhay in uu ka qayb galo xaflad ka dhacday aqalka boqortooyada ingiriiska isaga oo aan ka haysan wax martiqaadah, dharkii uu ku tagay xafladda boqortooyada wuxu kasii kiraystay goob dharka lagu kireeyo. Sidaas si lamid ah Mustafe Siciid wuxu ahaa agoon aan aabbo lahayn, waxa soo korisay hooyadii illaa uu masar ka imaanaayay si uu u dhammaysto waxbarashadiisii dugsiga sare kadibna wuxu u baqoolay dhanka boqortooyada ingiriiska illaa uu ka qaatay shahaadada heerka saddexaad ee jaamacadda, gaar ahaan culuumta dhaqaalaha sidaasna uu kaga mid noqday barayaashii jaamacadda.  Axmed iyo Mustafe labadooduba waxay si farashaxannimo ku dheehantahay ugu hadli jireen afka ingiriisiga, waxay ahaayeen laba nin oo aad ugu dheereeya haasaawaha dumarka Marka aad u fiirsato sida ay ugu fududayd in ay hantaan haweenka kolba tii ay hawaystaan, intaa waxa u dheerayd sida aanay marnaba uga warwareegi jirin in ay u sheegaan haweenka ay haasaawinayaan been kasta oo ay isleeyihiin waad ku hanan kartaan. Axmad Mansi wuxu markiiba jaanta la helay gabadh ingiriis ah, waxay ku ballameen in ay is guursadaan balse nasiiib daro gabadhii shil baabuur ayay ku geeriyootay maalma uun ka hor arooskoodii. Dayib Saalix isaga oo sawiraaya sidii uu ugu warramay Mansi waxa uu  yidhi “ markii uu ii sheegay Mansi arrinta geerida wuxu sidoo kale ii sheegay inay gabadhaasi ahayd jacaylkiisii ugu horreeyay isla markaana ay noqonayso jacaylkiisii ugu dambeeyay  sidaas darteedna uu go’aansaday inta noloshiisa ka dhiman in aanu gabadh kale guursanin si aanay uga lumin xasuusteedii. Balse rrinta layaab ka leh waxay ahayd in Mansi marka uu sidan i lahaa aanay wajigiisa  ka muuqanin wax murugo ahi haba yaraatee”.  Dayib saalix isaga sheekada sii wada wuxu intaa ku daray “ muddo yar kadib waxa noo yimid Mansi wuxu noo sheegay in uu guursaday, yaab iyo amakaag ayay nagu noqotay!  balse wax yar kadib waxan xaqiiqsannay in gabadha uu guursday ay kasoo jeeddo qoyska Mudane Toomas Moor, qaar way yaqaaneen qofka uu yahay Mudane Toomaas Moor qaarka kalena may aqoon, Mansi wuxu fursad u helay in uu nooga warramo cidda uu yahay Mudane Toomas Moor isaga oo si jees jees ah ugu hadlaaya afka ingiriisiga sidii aan nahay arday ku sugan fasal waxb barasho ayuu yidhi:- Mudane Toomas Moor waa xaaskayga awoogeed, waa wasiirkii koowaad ee boqor Henerigii siddeedaad, waa qoraagii buugga Yuutoobiya, cabdilxayiyoow adigu waxba ka garanmaysid buugga Yuutoobiya, waa ninkii …………… qoyska caynkaas ah  ayay xaaskaygu sharafta lihi kasoo jeeddaa”. Axmed Mansi markii dambe wuxu u wareegay dalka