Xabaashii Dadka Nool
Hordhac Buuggani waxa uu ka mid yahay buuggag dhowr ah oo muddooyinkii u danbeeyay lagu soo bandhigayay degaanka, kuwaas oo ku saabsanaa guud ahaan xaaladihii adkaa ee ka jiray dalka Itoobiya, intii ay TPLF arriminaysay, gaar ahaanna Degaanka Soomaalida intii ay talada haysay xukuumaddii hore. Waxaa qoray wiil dhallinyaro ah oo Degaanka u dhashay, oo la yidhaado Cabdiwali Maxammed Cumer, oo ka mid ahaa maxaabiistii ku jirtay jeelkii dhexe ama sida Soomaalidu u taqaanno Jeel Ogaadeen, kaas oo ahaa jeelkii ugu horreeyay ee noociisa ahaa ee degaanka laga dhiso, lana dhisay 1996 xilligaas oo uu talada Degaanka hayay Khadar Macallin Cali. Buuggu si guud waxa uu ka warramayaa burburkii, baaba’ii iyo balaayadii ka socotay Degaanka; si gaar ahna waxa uu uga warbixinayaa noloshii qadhaadhayd ee xabsiga taallay, sidii loo la dhaqmi jiray maxaabiista, naxariisdarradii askarta iyo xaqsoor la’aanta garsoorayaashii maxkamadaha joogay. Waxa uu buuggu u qoran yahay hab xusuus qor ah, saddex cutub oo waawayn iyo 202 baal ayaa uuna ka kooban yahay, waxaana daabacday madbacadda Hiilpress, 2021-kii. Gudagal Qaybta Koowaad: Aasaaskii iyo Dumitaankii Dawlad Degaanka Soomaalida Haddii aynnu gudagalno buugga, qaybta koowaad, qoraagu waxa uu kaga hadlayaa aasaaskii iyo dumitaankii dawladnimada Degaanka Soomaalida. Waxa uu marka hore yara faahfaahinayaa habraaca suubban ee dawliga ah iyo muhiimadda madaxdu bulshada u leedahay, halkanse kuma soo qaadanayno qoraalka oo innagu dheeraanaya awgeed, ka dibna waxa uu dhexgalayaa dumitaankii dawladnimada. Nidaamkii Cabdi Iley ayaa uu soo qaadanayaa, dhowr marxaladood ayaa uuna u qaybinayaa. 1. Marxaladdii isballaadhinta: waa xilligii uu Ina Iley dadaalka ugu jiray sidii uu degaanka oo dhan gacanta ugu dhigi lahaa, guntigana dhiisha isaga dhigayay si uu isaga qabto cid kasta oo uu u arko in ay mustaqbalka xukunkiisa halis ku tahay; waxaana ugu horraysay uguna tun waynayd cidaha uu la dagaallansanaa ee uu hadh iyo habeenba ka fadhiyi la’aa jabhaddii gobonnimadoonka ahayd ee ONLF. Si kasta oo uu u tirtiri karo ayaa uu isku dayayay, geed gaaban iyo mid dheerna waa uu u fuulayay si uu uga guulaysto oo uu meel u saaro. Waa xilligii la xoojiyay Ciidanka Booliska Gaarka ah, waxaa sidoo kale aad loo la dagaallansanaa oo xabsiyada lagu guray, badhna la laynayay cidkasta oo ay Jabhaddu taageero ka helaysay oo gudaha ah, taageerayaashii dibadda jirayna farsamooyin kale ayaa loo adeegsaday oo lagu joojiyay, sida hanjabaad loogu hanjabayay in ehelladooda la dhibaataynayo, iwm. 2. Marxaladdii isqurxinta: waa markii uu iskudayayay in uu isu qurxiyo bulshada, si loogu maleeyo nebi Eebbe u soosaaray oo kale. Marxaladdan waxa uu aad u adeegsan jiray Televesion-nada iyo Idaacadaha. Waxaa Tv-ga Degaanka ee ESTV (SRTV) had iyo goor laga sii dayn jiray horumar ballaadhan oo qurux badan, beero wada bislaaday, durdurro biyo ah, waddooyin laami ah oo xadhigga laga jarayo, xarumo caafimaad, iskuullo cusub, jaamacado iyo boqollaal kale oo aan halkan lagu koobi karin, laakiin aan waxba ka jirin, oo la leeyahay nidaam xisbi ayaa ay ku yimaaddeen. Dadyowga degaanka ka maqani run ayaa ay u qaadan jireen, aadna waa ay ugu riyaaqi jireen. 3. Marxaladdii dumitaanka iyo kalahaadka: sida qoraagu xusayo, marxaladdan waxa uu maamulkii Cabdi xilka ka fadhiisiyay cid kasta oo uu aqoon iyo garasho ku tuhmayay, iyo cid kasta oo uu dareen ka qabay in ay hadhow falalkiisan foosha xun horistaagi doonta, waxa uuna meeshii isugu reebay waxmagaratadii iyo intii musuqa iyo dhaca xoolaha ummadda uun ku noolayd. Deedna waxaa dumay nidaamkii dawliga ahaa. Meelaha uu qoraagu farta ku fiiqayo qaybtan ee uu sheegayo in ay aad u doorsoomeen, talana ku bixinayo in dib-u-habayn lagu sameeyo waxaa ka mid ah, laamihii ammaanka iyo garsoorkii, oo iyagu dhiigmiirato noqday. Qaybta Labaad: Noloshii Xabsiga Qaybtan waxa uu qoraagu ka sheekaynayaa xabsiga, sidii uu ku galay iyo wixii uu kala kulmay. Marka hore waxa uu yara taabanayaa si guud dhibaatada xadhiggu leeyahay, iyo macaanka xorriyadda iyo in uuna xabsigu if iyo aakhiro midna ahayn ee uu yahay meel labadaas dhexdood ah oo cadaab ah. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa gabayo jeelasha laga tiriyay, sida kii abwaan Qammaan Bulxan—AHUN—uu tiriyay markii uu Herar ku xidhnaa,ee lahaa: “Eebboow ma soo kala dhacaan labada dhaamoodee,Dhan uun noo rid aakhiro jannaan dhagagsan doonaaye.” Ka dib waxa uu u dhaadhacayaa sababtii loo xidhay, oo ahayd in lagu qabsaday qoraallo iyo gabayo uu ku baahin jiray bartiisa Faysbuugga, kuwaas oo badankoodu ahaa kuwa maldahan oo dhammaantood uu ku diiddanaa nidaamkii jiray, sida heesta ay qaaddo Khadra Daahir Cige ee: “Cudurka kaa gala fardaha; Haddii laga gubo dameer;Dawada lama gaadhayee..” Waxa uu xusayaa in laga soo xidhay degmada Gallaaddi oo uu xirfadle caafimaad ka ahaa, ka dibna maxkmadda gobolka Doollo la sii mariyay, dhowr cisho markii la celceliyayna toban sano oo xadhig ah lagu xukumay, isaga oo aan wax cad oo lagu xukumay lahaynin, sidaasna inta gaadhi xammuul ah loo saaray isaga iyo maxaabiis kale Jeel Ogaadeen lagu geeyay. Intaa ka dib qoraagu waxa uu innoo sawirayaa muuqaalka guud ee xabsiga iyo sida uu u yaallo, sida loogu wada dhaqmo iyo xidhiidhka askarta iyo maxaabiista ka dhexeeya. Sidoo kale, waxa uu qaybtan innagu tusayaa nolol ahaan sida ay maxaabiistu jeelku ugu jiraan, sida caafimaadka, cuntada, suuliyada, iwm., halkanse kuma soo qaadan karno oo buugga ayaad ugu tagi doontaan. Arrimaha muhiimka ah ee uu qoraagu qaybtan ku soo qaatay waxaa ka mid ah noocyada ciqaabta sida yuuqitaan, caqabad, jiif iyo joog, suuli, bullaacadwadaha, haan biyo ah, figayn, garaac, hurdola’aan, biyamuquurin, iyo bacayn; oo uu midkasta iyo sida uu yahay sharraxaad kaa siinayo iyo waliba waxa laga la kulmi karo ee dhanka caafimaadka ah. Labo ka mid ah haddii aan soo qaadanno, yuuqitaan iyo caqabad, waa uwan hoose: Yuuqitaan: waa hab ka mid ah hababka maxbuuska loo ciqaabo, oo ah inta kabaha laga bixiyo in la istaajiyo meel sibidh ah oo qabow wajigana gidaarka loo saaro labada gacmoodna “kor u hay ama xagga danbe mari la dhaho.” Waxa laga yaabaa caafimaad ahaan in lugta uu sibidhka qabow ku hayo dareenbeesho—marka uu wakhti badan sidaa ahaado. Waxaa kale oo dhici karta marka uu lulmoodo in uu gidaarka madaxa ku dhufto oo dakharro soo gaadhaan. Caqabadda: waxa ay ahayd guryo yaryar