Gorfeyn Buugga GOONNI
Buugga THE STRANGER ee uu qoray, faylasuufkii cabqariga ahaa ee Albert Kaamu, ma aha sheeko si fudud loogu soo koobi karo “fal dambiyeed” ama buug akhristaha loogu qoray si uu ugu hoggaansamo aragti falsafadeed oo gaar ah. Kaamu, halkan kama raadinayo inuu ku qanciyo, iskumana dayayo inuu cashar toos ah bixiyo, se, wuxuu sameynayaa daraasad suugaaneed deggan, qoto dheer, kana tarjumaysa xaaladda bani’aadanka marka uu wajaho nolol aan u hoggaansanayn rabitaankiisa, shucuurtiisana aan u tudhayn. Qofka sheekadu ku wareegayso waa nin caadi ah, nolol caadi ahna ku dhex jira, balse si kedis ah loogu dhex tuuray xaalado ka sarreeya awooddiisa shucuureed iyo fahamkiisa bulsheed.
Waxa dhibaatada keena ma aha oo keliya falka uu sameeyo aadamuh ee waa sida uu dunida u la falgalo ama aanu u la falgalin iyo sida ay bulshadu uga filayso inuu u muujiyo murugo, qoomamo, ama dareen ay iyadu caadi u aragto. Meeshaas ayayna isaga iyo bulshadii ku hareeraysnayd ku kala weecanayaan. Haddaba, Albert Kaamu, ma dhisayo shakhsiyadda geesi la bogaadiyo, mana sawirayo dambiile si cad loo neceb yahay oo mudan in la maxkamadeeyo. Wuxuu dhisayaa bani’aadn, mid qalad leh, aamusan, mararka qaarkoodna aan si fiican u fahmayn waxa laga rabo. Nolosha uu ku nool yahay wwaa mid aan qurux iyo foolxumo, midna, micno ugu samaynayn, kana madhan macne hore loo sii diyaariyey. Dunidu sida ay tahay ayuu u aqbalayaa, isaga oo aan isku dayayn inuu ka dhigo mid ka jilicsan ama ka macaan sida ay bulshadu jeceshahay. Sidaas darteed, The Stranger, waa muraayad loo dhigay bani’aaanka casriga ah: qof ku dhex lumay xeerar bulsheed, filashooyin qarsoon, iyo su’aalo aan jawaab sahlan lahayn. Quruxda buugguna halkaas ayay ku jirtaa, ma aha waxa uu sheegayo, balse waxa uu ku qasbayo akhristaha inuu ka fikiro; ma aha jawaabaha uu bixinayo, balse su’aalaha uu kaga sii tagayo.
Shakhsiyadda Meursault, oo ah udubdhexaadka sheekada, wuxuu ku nool yahay nolol aad u toosan, daacad ah, kana madhan isyeelyeel iyo jilitaan bulsheed. Ma aha nin ka fakara sida uu dadka ugu ekaan lahaa, balse waa qof u nool sida uu wax u dareemayo. Markii hooyadii dhimatay, muu muujin murugo, waliba qaabka ay bulshadu caadaysatay ee oohin, baroor, ama hadallo murugo lagu muujinayo. Arrintani ma aha mid ka dhalatay qalbi-adayg ama jacayl la’aan, ee waa diidmo uu diidayo inuu jilo murugo aanu si dabiici ah u dareemin. Kaamu, halkan wuxuu si xarrago leh u taabanayaa qodob kasmanafeed ah oo aad u qoto dheer: waxa qofku dareemayo mar walba la mid ma aha waxa laga filayo inuu muujiyo. Bulshadu se kaladuwanaantaas ma aqbasho; waxa ay qiimeysaa muuqa iyo habdhaqan la wada yaqaan, halkii ay ka fahmi lahayd dareenka aamusan ee gudaha ka jira.
Dhacdada dilka ee Meursault u geysanayo ninka carabka ahi, waa tiidhexaadka buugga, balse macnaheedu kama yimaaddo sida caadiga ah ee dembi loo fahmo. Ma aha fal ku dhisan nacayb, aargoosi, ama ujeeddo hore loo sii qorsheeyay. Waa fal ka dhashay iskudarka duruufo jidheed iyo kuwo maskaxeed: kulayl daran oo qofka dareenkiisa wiiqaya, daal, iyo xaalad maskaxeed oo aan si buuxda u shaqaynayn. Kaamu, halkan wuxuu ku muujinayaa aragti cilmi-dabeecadeed oo qadiim ah, haddana weli cusub: in ficilka bani’aadnku mararka qaar ka dhasho duruuf, halkii uu ka dhalan lahaa shar ujeeddaysan. Su’aasha taaganina ma aha oo keliya “muxuu sameeyay?”, balse waa “sidee bay xaaladdu u qaabaysay waxa uu sameeyay, yaase markaas mas’uul ka ah?”
Marka Meursault maxkamadda la horgeeyo, waxa si tartiib ah u caddaanaysa in aan la xukumayn falka dilka oo keliya. Waxa la xukumayaa shakhsiyaddiisa oo dhan. Waxa loo haystaa in aanu ooyin, sidoo kale muujin qoomamo ku filan, in aanu u hoggaansamin qaabka diineed iyo bulsheed ee laga filayay. Maxkamaddu waxay isu beddelaysaa gole bulshada u hadlaya, difaacayana caadooyin iyo filashooyin hore loo dejiyay, halkii ay ka noqon lahayd haayad si miyir leh u baadha xaqiiqadda. Kaamu, si cad ayuu u muujinayaa in bulshadu ka cabsanayso qof daacad ah oo aamusan, ugana sahlan tahay in ay aqbasho qof been sheegaya balse si qurux badan ugu eeg nin bulshadda dhexdeeda ka caadi ah—“nin caadi ah.
Qodobka diinta iyo geeridu wuxuu buugga siinayaa culays bani’aadnnimo oo weyn. Meursault uma diidayo diinta nacayb ama gardarro dartood, balse wuxuu diidayaa rajo uu u arko mid aan qalbigiisu rumaysnayn. Isagoo wajahaya dhimashada, wuxuu dooranayaa aqbalidda xaqiiqada halkii uu ka qaadan lahaa tasalli uu u arko been. Kaamu, halkan kuma burburinayo iimaanka, balse wuxuu muujinayaa sharaf qadiimi ah: daacadnimo lagu wajahayo su’aalaha ugu dambeeya ee nolosha—xitaa marka ay cabsi iyo cidlo wataan.
Gnaanadkii, aragtidaydu waxay tahay, The Stranger, waa buug si qoto dheer u sawiraya bini’aadannimada qaawan. Meursault ma aha qof lagu daydo, balse waa qof la fahmi karo. Waa astaan u taagan daqiiqadaha aynaan eray u heli karin, shucuurta aynaan magac u bixin karin, iyo runta aynaan mararka qaar ku dhiirran karin inaan muujinno. Kaamu wuxuu inoo iftiiminayaa in dhibaatada dhabta ahi aanay ahayn macnala’aanta nolosha, balse ay tahay cadaadiska la innagu saaro inaan ku noolaanno macno aynaan inagu dareemayn. Buuggani, sida shaqooyinka kale ee Kaamu, waxa uu u taagan yahay aragti qadiimi ah oo sheegaysa in runtu, xitaa marka ay adag tahay, ay ka qiimo badan tahay raaxada beenta ah. Isla mar ahaantaana, wuxuu u wajahan yahay mustaqbalka, isaga oo akhristaha kaga tagaya su’aal culus oo odhanaysa: intee ayaynu u oggolaanaynaa bulshada in ay noo qeexdo sida aan u murugoonayno, wax u rajaynayno, una noqono bani’aadan dhab ah?
