Turjumaaddan af Soomaaliga ah ee buugga uu qoray Dr. Casmi Bishaara; ”Waa Maxay Salafiyaddu?”waxa ay ku wajahan tahay akhristaha Soomaaliga ah ee la noolaa, welina la nool, saameynta ay Salafiyaddu ku leedahay noloshiisa maalinlaha ah: masaajidka, dugsiga, jaamacadda, warbaahinta, siyaasadda, iyo, xitaa, nabadda iyo colaadda oo ay kaalin ku leeyihiin. Sidaa awgeed, ma aha, keliya, turjumaad buug aragtiyeed ama aqooneed oo ka hadlaya mawduuc fog e, dhab ahaan waa isku-day jidka u xaadhaya dood deggan oo qoto dheer oo ku saabsan shaacsanaha Salafiyadda ee sida xooggan uga dhex muuqda bulshada Soomaalida, saameynna ku leh fekerkeeda iyo dookhyadeeda diineed iyo siyaasadeed.
Ku dhowaad labaatankii sannadood ee u dambeeyay, mawduuca ’Salafiyaddu‘ waxa uu ahaa mid ay diiradda saaraan daraasado iyo buugaag badan oo ka soo baxay dunida Carabta iyo Galbeedka, labadaba. Su’aalaha ah: Waa maxay Salafiyaddu? Sidee ayaa ay, taariikh ahaan, u samaysantay? Maxaa ka dhexeeya fekerkan Salafiga ah iyo rabshadaha siyaasadda iyo diinta la xidhiidha ee si joogto ah loola xidhiidhiyo? Su’aalahani, dhammaantood waxa ay noqdeen kuwo muhiim ah oo aan la dhayalsan karin marka laga hadlayo, guud ahaan, dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee casriga, gaar ahaanna dhaqdhaqaaqyada Salafiga ah. Haddaba, buuggan uu qoray Casmi Bishaara waxa uu mawduucan ka galayaa, isaga oo si qotodheer u lafaguraya, dhanka laamaha aqooneed ee falsafadda siyaasadda, cilmiga bulshada, taariikhda iyo daraasadaha Islaamka, si uu akhristaha u siiyo sharraxaad is dhammeystiraysa oo ku saabsan Salafiyadda, si aan loogu dhicin dabinka aragtiyeed ee ah in hal xukun oo duuduuban la huwiyo arrin aan fududeyn, sida caanbaxday.